Dagaalka Ukraine & Bangiyada Reer Galbeedka: Waa maxay sababta Trump uusan u xallin karin dagaalka Ukraine? Maxaa se ka soo Baxay Shirkii Albaabadu u Xirnaayeen ee Putin iyo Witkoff, Ergayga Gaarka ah ee Trump
Shalay waxaa Moscow soo gaaray ergayga gaarka ee Trump u qaabilsan Bariga Dhexe (Gaza) iyo Ukraine Steve Witkoff. Witkoff waa saaxiib dhow oo Trump, sida warar hoose sheegayaana waxa uu Witkoff ku aaminaa wax uusan Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Rubio ku aamini karin, sababo la xiriira dagaal adag oo ka dhex socda Trump iyo dadka jaangooya siyaasadda Mareykanka, haddii si kale loo yiraahdo dadka iska leh bangiyada Mareykanka iyo badi bangiyada reer Galbeedka (dhawaan waxaan idin la qaybsan doonaa faahfaahino dagaalada Mareykanka iyo reer Galbeedku ka wadaan daafaha dunida sida ay u yihiin dagaalo ay ka danbeeyaan bangiyadu, lana xiriira helitaanka damaanado horleh (collateral) ama hanti boob lagu xoojiyo daabacaadaha lacagaha xad-dhaafka ah ee reer Galbeedku daabaco).
Witkoff ayaa xalay saqdii dhexe kulan albaabadu u xirnaayeen Kremlinka kula yeeshay Putin. Wax war ah oo kulankaas ka soo baxay weli ma jiro, aan ka ahayn in kulanku dhammaaday xalay waqti danbe saacaddu markii ay ahayd 1:30 saqdii dhexe.
Witkoff ayaa asna la sheegay markii uu isla saacaddaas kore ka baxay Kremlinka uu safaaradda Mareykanka ee Moscow saacad joogay waxyar kabacdina diyaaraddiisii ay ku laabatay Washington, si uu warbixin u siiyo Madaxweyne Trump.
Xaaladda hoose ee siyaasadeed ee Mareykanka ayaa ka duwan tan dusha sare ka muuqata, waxaana isugu darsamay laba kala daran oo midi yahay Boqortooyo gabbalkeedii sii dhacayo oo Trump uu isku dayayo in uu sideedii hore ku soo celiyo; midina tahay bangiyadii dhisay Boqortooyada oo weli qaba in Boqortooyadu ay u baahantahay in la sii ballaariyo oo dalal horleh lagu bilaabo boob, dalalkaas oo ay ugu horreeyaan kan ugu khayraad badan, ahna Ruushka.
Badi maamulada waddamada Yurub waxaa mar hore la wareegay madaxweynayaal ama raysal wasaarayaal ay caleemasaarteen bangiyadu. Macron, Madaxweynaha Faransiiska, wuxuu ahaan jiray bangaari bangiga weyn ee Rothschild & Company oo ah bangiga leh badi bangiyada reer galbeedka oo dhan. Jaansilarka cusub ee Jarmalka Friedrich Merz asna waa bangaari naynaastiisu tahay ‘Blackrock Mertz.’ Blackrock waa shirkad maaliyadeed oo leh shirkadaha maaliyadaha ee ugu waaweyn Mareykanka iyo Yurub, waxayna wax wada leeyihiin Rothschild & Company. RW cusub ee Kanada Mark Carney asna waa bangaari naynaastiisu tahay ‘the Dark Lord’ waxa uuna u shaqayn jiray bangiga Goldman Sachs, wuxuu kale oo ahaan jiray Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Kanada. Marc Carney iyo Trump la isma tuso, sababo la xiriira inta aan kor ku soo sharraxnay, waana sababta Trump ugu goodiyo in uu Kanada ka dhigi doono gobol kamid ah Mareykanka. Keir Starmer, RW Ingiriiska, asagu waa garyaqaan, laakiin waa garyaqaan xiriir dhow la leh World Forum iyo ragga iska leh bangiyada adduunka.
Ismariwaaga ka dhextaagan Trump iyo bangiyada ayaa la filayaa in uu dhaqaalaha Mareykanka khalkhal weyn galiyo, si bangiyadu Trump ugu eedeeyaan in uu yahay nin aan wax maamuli karin. Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa farta lagu fiiqayaa in ay yihiin laba dawladood oo raba in Trump uusan xukunka ku sii waarin, ayaga oo dhanka dhaqaalaha iyo lacagaha ka soo galaya. Tusaale: Trump kahor lacagaha USD iyo Euro waa isku jaango’naayeen oo waxay ahaayeen kudhawaad 1:1, laakiin maanta 1 Euro waa 1:10 USD. Ogoow 0.10 waa lacag aad u badan dhanka sarrifka, waana qayb waxyaalaha hadda Mareykanka shakiga weyn ku abuuray iyo in uu jiro khalkhal galin doolarka Mareykanka oo ka imaaneysa Yurub.
Sidoo kale, Mareykanka waxaa ku socda weerar online oo illaa hadda soo riday laba gantaal oo SpaceX, shirkadda dayaxgacmeedka ee uu leeyahay Elon Musk, ahna nin aad uga dhow Trump, lidna ku ah ajendaha bangiyada. Sidoo kale waxaa weerar joogto ah oo online ah ku socda shirkadda X ee Elon Musk. Gawaarida ay sancayso shirkadda Tesla ee uu leeyahay Elon Musk ayana waxaa ku socota weerar la gubayo gaadiidka ay samayso ee shacabku leeyahay.
Hawlahaas oo dhan ee isbiirsaday waxaa la filayaa in ay abuuraan khalkhal siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka dhex qarxa Mareykanka iyo Yurub, isuna soo dhaweeya Ruushka, Shiina iyo Trump.
Adduunku waxa uu galay xaalad khatar ah oo aan la saadaalin karin, sidaas darteed xogta rasmiga ah iyo tan warbaahinta laga faafiyo badi waa ‘kaaf-iyo-kaladheeri.’
> Daljir Media
COMMENTS