Daljir oo tababar ku qabatay Garoowe

Daljir oo tababar ku qabatay Garoowe

Warbaahinta Daljir oo kaashanaysa Sanduuqa Dimuqraadiyada Qaramada Midoobey ee magaciisa loosoo gaabiyo UNDEF ayaa maanta Garoowe Tababar uga furtay 25 qof oo ka shaqeeya arimaha bulshada iyo wariyayaal katirsan warbaahinta Daljir oo ka wada shaqayn doona mashruuca Codsiinta Haweenka iyo Gabdhaha Soomaaliyeed oo Daljir bilowday horaantii bishan kaasoo socon doona 2 sano.

Tababarkan oo looga hadlayo Ilaalinta Xuquuqda Haweenka iyo Gabdhaha iyo sidii haweenka codkooda u heli lahaayeen, waxaa si rasmi ah u furtay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Dr. Naciima Cabdiraxmaan Guuleed oo bogaadisey mashruucan iyo barnaamijyada ku dhexjira oo waxka bedeli kara dhibaatooyinka bulsho ee jira.

“Runtii mashruucan waxaan rabnaa in diirada uu saaro tacadiyada haweenka, si gaar ah waxaan codsanaynaa inuu u qareemi sidii loo ansicin lahaa xeerka Gudniinka oo hadda baarlamaana la geynayo kaasoo aan isleeyahay wax buu ka tari doonaa in la joojiyo tacadiyada haweenka,” Ayay tiri Wasiir Naciima.

Inta uu socdo Tababarka waxaa diirada lagu saari doonaa, sidii loo joojin lahaa tacadiyada ka dhanka ah haweenka, joojinta guurka xiliga hore ee gabdhaha aan qaan gaarin, iyo sidii loo heli lahaa wacyigelin bulsho oo wax bedeli karta

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com