Danjire Keating oo Bannaanka soo Dhigay Caqabadaha Horyaal Dowladda Soomaaliya

Danjire Keating oo Bannaanka soo Dhigay Caqabadaha Horyaal Dowladda Soomaaliya

Xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan soomaaliya Michael Keating ayaa sheegay in beesha caalamka ay si dhaw ula shaqeyn doonto dowlada federalka ee soomaaliya si looga gudbo caqabadaha wajaha dowlada soomaaliya.

Michael Keating ayaa sheegay in dowlada uu hogaamiyo Maxamed cabdullahi Farmaajo ay ragaadiyeen caqado kala duwan iyo madaxda maamul gobaleedyada dalka isagoo tilmaamay in caqabadahaasi ay kow ka yihiin la dagaalanka Xarakada Al-shabaab iyo abaaraha saameeyay guud ahaan dalka Soomaliya.

Waxa uu sheegay xoghayaha qaramada midoobay u qaabilsan soomaliya in in muranada ka taagan xuduudaha iyo qeyraadka dabiiciga looga gudbi karo iyada oo la marayo nidaamka dastuuriga iyo qawaanin laga dejiyay arimahaasi.

Waxaa cod dheer uu ku sheegay in dowlada soomaaliya ay ka go’antahay nabad, xasilooni, isla xisabtan lala galo hay’adaha dowlada iyo kobaca dhaqaalaha soomaaliya oo kor loo qaado isagoo ugu baaqay beesha caalamka oo qaramada mioobay ay ugu horeyso in ka go’antahay in si dhaw dowlada federalka soomaaliya si dhaw ula shaqeeyeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com