Danjire Micheal Keating oo ku baaqay Xalinta Cabashada Shirka Dhuusamareeb

Danjire Micheal Keating  oo ku baaqay Xalinta Cabashada Shirka Dhuusamareeb

Ergeyga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Micheal Keating oo ka qeyb galay shirweynihii Dhuusa-mareeb ayaa ku baaqay in la dhaqan geliyo mideyntii Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna.

Keating ayaa bogaadiyey biseylka siyaasadeed iyo isu-tanaasulka ay muujiyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo Madaxweynihii hore ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, oo hada noqday Madaxa Xukuumada Galmudug.

Mr. Micheal Keating ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa degaanada Galmudug in ay kaalintooda ka qaataan dhaqan gelinta heshiiska mideynta Galmudug.

“Arrintan waa mid bilow wanaagsan ah, waxaase waajib ah in cid kasta laga qanciyo tabashadooda, heshiiskana horay loo sii amba qaado, Bulshada Galmudug maanta ma xamili karaan in ay isugu darsamaan culeys dhanka nolasha ah iyo mid colaadeed.” Ayuu yiri Keating.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com