Qaar kamid ah darawalada gaadiika xamuulka qaada ee isga kala goosha gobolada Puntland ayaa ku xaniban kaantaroolka magaalada Garoowe laga soo galo.
Darawalada gaadiidkan ayaa sheegay in ay ka cabanayaan lacago canshuur horumarin ah oo lagu kordhiyay .
lacagta laga qaadi jiray darawalada ayay sheegen in ay ahayd dhan 200 oo kun oo shilin Soomaali ah oo ,taas oo ahayd horumarita degmada raalina ay ku ahaayeen, balse maamulka degmada Garoowe lacataas ay ku dareen 300 oo kun oo shiln soo maali ah ,taas oo ka dhigan Tootalka guud ee lacagta 500 oo kun oo shiln Soomaali ah.
Waxa ay sheegen in aysan awoodin in ay bixiyaan lacagtaasi.
Hadaba Maxamuud Cumar Dheere ,waxa uu kamidyahay darawalada gaadiidka xamuulka ee ku xaniban kaantaroolka Garoowe , wariye Xasan Heykal ayuu uwaramay .
COMMENTS