Daroogada Qaadka oo laga Joojiyey Furimaha Dagaalka #Calmiskaad & Halgalka Hillaac

Daroogada Qaadka oo laga Joojiyey Furimaha Dagaalka #Calmiskaad & Halgalka Hillaac

Taariikhda Puntland ama tan Soomaaliya markii ugu horraysay waxa ay Puntland joojisay laakiin aysan weli mamnuucin in wax daroogada qaad la geeyo furimaha dagaalka Calmiskaad iyo Taliska Hawlgalka Hillaac.

Argagixisada al-Shabaab ee ka dagaalanta koonfurta Soomaaliya ayaa la sheegaa in waqtiyada dagaalka ay ku beegaan marka ciidamadu qayilayaan ama saacadaha ay qaadka ka soo toosayaan. Warar aan sugneyn ayaa hore loo sheegay in al-Shabaab ay xataa mararka qaarkood ciidamada dawladda fadaraalka u fududeyso jawaano qaad ah oo bilaash ah.

Qaadka Soomaaliya la keeno waxaa dullaal ka ah oo sii qaybiya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Dawladda Puntland ayaa hadda ku baraarugtay khataraha daroogada qaadka iyo haddii ciidamadu ku mashquulaan daroogadaas sida sahlan ee loo soo dhexgali karo. Haddaba ma suurtagal baa in qaadka oo dhan Puntland laga mamnuuco?

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com