USA, April 14, Dhowaan ayay ahayd markii Madaxweynaha dalka Maraykanka Barrack Obama uu ?cusboonaysiyey xayiraado uu horay ugu soo rogay soomaaliya.
?
Go’aankaasi ayaa sababay jaah wareer ku aadan waxa ay dhab ahaan yihiin xayiraadaha lagu kordhiyey Soomaaliya, iyadoo dadka qaarba si u fasirteen.
?
Hadaba Radio Daljir ayaa xiriir la sameeyey safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi si bulshadu xog dhamaystiran uga hesho waxa ay yihiin xayiraadahaasi.
?
Matt goshko oo ah sarkaal katirsan qaybta arimaha somalida ee safaaradaasi ayaa Radio Daljir uga warbixiyey ?waxa ay Dawlada Maraykanku xayiraada ku kordhisey.
?
?
Wuxuu sheegay in xayiraadahaasi ay yihiin kuwo saamaynaya dadka qaska kawada Soomaalida, kuwaasoo ay kamid yihiin Kooxda Al-shabaab iyo dhoofinta dhuxusha, sidoo kale wuxuu sheegay inay xayiraadani khusayso kuwa lunsaday lacagaha Soomaaliya iyo kuwa geysta faldenbiyeedyada dhanka Jinsiga ah.
?
Mar la weydiiyey aragtida Dawlada Maraykanka ee hub dhowaan ay dawlada Jabuuti ku wareejisey Soomaaliya ayu su’aashaasi ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo.
?
Hadalka Matt Goshko oo ka tirsan Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa kusoo beegmaya xili mudooyinkii dambe siyaabo kala duwan loo turjumanayey xayiraado dhowaan uu Madaxweynaha Maraykanku ku kordhiyey wadanka Soomaaliya.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)
?
COMMENTS