Dawladda Sudan oo Qarka u Saaran in ay la Wareegto Madaxtooyada RSF-na Jab Xooggan u Gaysatay

Dawladda Sudan oo Qarka u Saaran in ay la Wareegto Madaxtooyada RSF-na Jab Xooggan u Gaysatay

Wararkii ugu danbeeyey ee aan ka helayno Sudan ayaa sheegaya in Ciidamada Xoogga Dalka ay jab xooggan u gaysteen falaagada RSF ee taageerada ka hela Imaaraadka iyo Is^raa’iil. Dagaalkii ugu kululaa ayaa shalay, xalay illaa maanta ka socda Khartuum, qarka wabiga Niilka iyo aagga madaxtooyada. RSF ayaa madaxtooyada qabsatay bishii April 2023, laakiin waxaa la filayaa in saacadaha soo socda lagala wareegi doono jab ba’an oo ka soo gaaray duqeymo cir iyo dhulba ah.

RSF ayaa hadda laga saarayaa qaybihii ugu danbeeyey ee Khartuum, laakiin waxa ay weli haystaan Obdurman iyo galbeedka dalka qaybo kamid ah oo gobolka Darfur ku jiro. Ciidamada dawladda ayaa dhawaan RSF kala wareegay magaalada al-Fashir oo ah caasimadda Waqooyiga Darfur ahna magaalo muhiim ah dhanka istaraatajiyada. Nyala oo ah koonfurta Darfur waxaa weli gacanta ku haya fallaagada RSF. RSF waxay gacan ka heshaa calooshood-u-shaqaystayaal ka kala yimid daafaha adduunka, ayna ugu badanyihiin kuwa Columbia Mercenaries. Dagaalka RSF waxaa maalgaliya Imaaraadka.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com