Dhahar, Aug, 01 2016–War deg deg ah oo hadda soo gaarey Idaacadda Daljir ayaa waxaa lagu xaqiijiyey in lasiidaayey Xildhibaan Maxamed Faarax Canjeex oo katirsan mudanayaasha barlamaanka Puntland, horayna usoo noqday wasiir ku-xigeenka caddaaladda ee dowladda Puntland.
Xildhibaan Maxamed Faarax Canjeex oo in mudo ah ku xirnaa xabsi kuyaal magaalada Ceerigaabo ayaa lasii daayey kadib wadahadalo toos ah oo dhexmaray Puntland iyo maamulka Soomaaliland.
Xildhibaanka oo u waramay radio Daljir ayaa sheegay siidayntiisa inay ku timid kadib wadahadal Puntland iyo Somaliland dhexmaray kadibna madaxweynaha Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud uu amray in lasiidaayo.
COMMENTS