Dawladda Fedaraalka Soomaaliya oo burisay dhammaan heshiisyadii lala galay dawladda Imaaraadka Carabta
Heshiisyada waxaa kow ka ah heshiiska ammaanka ee dawladda fadaraalka iyo heshiisyada dekedaha Berbera, Bossaso iyo Kismaayo. Heshiisyada la buriyey ayaa ah dhammaan kuwii ay galeen hay’daha dawladda fadaraalka iyo dawlad goboleedyada Soomaaliya oo dhan.
Burinta heshiisyada ayey dawladda Soomaaliya u sababeysay Imaaraadka oo ku xadgudbay hawada Soomaaliya, bilaabay siyaasad lid ku ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, iyo waliba faragalin siyaasadeed.
Faahfaahin iyo falaanqeyn dheeraad ah Daljir isha ku hay.
Daljir Media


COMMENTS