Degmada Burtinle oo markii 4aad laga jaray Xariga Xambaara Internetka iyo Adeegyada Isgaarsiineed ee shirkadda Golis

Degmada Burtinle oo markii 4aad laga jaray Xariga Xambaara Internetka iyo Adeegyada Isgaarsiineed ee shirkadda Golis

Burintle: Xariga Xambaara Internetka iyo Adeegyada Isgaarsiineed ee shirkadda Golis, ayaa saaka markii 4aad laga jaray deegaan u dhow degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, Rag hubaysan ayaa la sheegay inay qodeen dhulka oo jareen xariga Internet ka ee FIber ka loo yaqaan kaasoo jaritaankiisu saamayn ku yeeshay wicitaanka telephone ka, Khadka Internet ka iyo Adeega lacag dirista ee Sahal inta badan gobolka Mudug iyo degmada Burtinle.

Falalka amaan darro ee jarista adeegyada Isgaarsiinta ayaa ksuoo laalaabtay degmada Burtinle, waxaana muuqata hoos u dhac amaan iyo laamaha amaanka oo u muuqda kuwo ku guuldaraystay ilaalinta hantida shirkadaha maalgashiga sameeyey.

Sidoo kale waxaa yaraaday Isla xisaabtanka iyo sharci horkeenista dadka jidgooyada dhiganaya iyo kuwa jaraya adeegyada dadweynaha ka dhexeeya.

Arintan ayaa ah mid hoos u dhigi karta kalsoonida maalgashadayaasha ee deegaanada Puntland, gaar ahaana agagaarka dhacdooyinkani mudooyinkii danbe ka dhaceen.

Masuuliyiin katirsan shirkadda Golis oo la hadlay Warbaahinta Daljir ayaa sheegay in dhacdooyinka soo noqnoqday ay dhabar jebinayaan nidaamka iyo kala danbaynta dalka kajirta ee sababtay in dhulka la mariyo xarig adeeg muhiim ah wada

“Golis waa Shirkaddii ugu horraysay ee ku dhiirrata in 1400 KM jiiddo fiberka dhulka hoostiisa mara taas oo ay sabab u ahayd ammaanka dalka ka jira. Dhacdooyinkaas soo noqnoqday waa wax ugub ku ah deegaannada Puntland waxaana muuqata gaabis ku yimi laamihii amniga ee u xilsaarnaa ammaanka gaar ahaan Burtinle.” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Golis

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com