Jaamka Degmada Qaw ee Gobolka Bari oo Dib loo Furay

Jaamka Degmada Qaw ee Gobolka Bari oo Dib loo Furay

Degmada Qaw ee gobolka Bari oo taal xeeb ka hoosaysa buuraleyda ku teedsan deegaanka ayaa maanta daaha ka rogtay JAAMKA. Jaamku waa kanaaal biyaha u gudbinaya badda. Jaamka ayaa horay waxaa u xiray bacaad iyo dhagax dabayluhu keeneen.

Guddoomiya degmada Qaw, Rashiid Xabiib Jaamac, ayaa Idaacadda Daljir u sheegay in kambaniga SOOLA uu hawsha qabtay, una qabtay si tabarucaad ah. Guddoomiyuhu wuxuu kale oo sheegay in uu socdo dhismaha iskool barashada badda, deegaankuna uu hadda u heelan yahay horumar iyo horusocod. Waxaa waraystay Xuseen Madar.

Hoos ka dhegayso

  

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com