Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta Sabtida ah ee soo socota uu hortago Golaha Wakiilada Puntland.
Guddoonka Golaha Wakiilada Puntland ayaa qoraal uu u diray Xildhibaannada waxaa uu ku wargeliyay in sabtida ay u diyaar garoobaan Kulanka uu Golaha yeelanayao, isla markaana uu hor-imaanayo Madaxweynaha Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa lafilayaa inuu golaha uga warbixinayo ismarin-waaga ka taagan doorashada Soomaaliya iyo mowqifka ay qaadan karto Puntland.
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.com
COMMENTS