Denmark, Yurub Saaxiib kii ugu Dhawaa Mareykanka, oo Mareykan ku Yiri, “Saaxiib Fiican ma Tihid oo Fad ama ha Fadin Greenland waa kaala Wareegayaa

Denmark, Yurub Saaxiib kii ugu Dhawaa Mareykanka, oo Mareykan ku Yiri, “Saaxiib Fiican ma Tihid oo Fad ama ha Fadin Greenland waa kaala Wareegayaa

Yiri, “Saaxiib Fiican ma Tihid oo Fad ama ha Fadin Greenland waa kaala Wareegayaa”

Markii dal la gumeysto ama uu yahay gumeyste kalkaal ugu danbeyn wuxuu dalkaasi wajahayaa xaalad lamid ah tan maanta haysata Denmark.

Waa laga yaabaa in aad yaabantahay oo aad isleedahay sidee Denmark loo gumaystaa, ma dalkaas Yurubiyaanka ah baa la gumeysan karaa? Jawaabta dhow waa, xaqiiqooyin hore loo qarin jiray baa dagaalkii Ukraine bannaanka soo dhigay. Annaga oo aan warka idin ku badin, aan ku soo koobno, ma jiro dal Mareykanka saaxiib la ah oo si xor ah madaxdiisa u doorta, madaxda loo doortaana waa kuwo loo asteeyey in ay fuliyaan danaha gumaystaha ama THE EMPIRE. Denmark waa cusub oo aysan ka warhayn baa u baryey.

Su’aashu haddaba waxay tahay, maxaa ku dhacay Denmark, Yurub saaxiib kii ugu dhawaa Mareykanka? Waxaa ku dhacay wax aan marnaba saaxiib laga filaneyn. Trump markii la doortay wuxuu sheegay in uu jasiiradda adduunka ugu weyn ee la yiraahdo Greenland ee Denmark ay maamusho uu xoog uga faramarooqsanayo Denmark. Warku intaas kuma dhammaan e, shalay waxaa hadlay Madaxweyne Kuxigeen JD Vance oo Denmark waaba uu uga sii daray.

Vance oo warbaahinta la hadlay wuxuu yiri, “Denmark ma aha saaxiib fiican. Sidaas darteed haddii aan rabno in aan kala wareegno Greenland, waa kala wareegaynaa oo Trump baa amarka bixinaya. Trump wax shaqo ah kuma laha sawaxanka ka soo yeeraya Yurub.”

Ogoow Denmark saaxiib dhow oo Mareykan kaliya ma aha ee waxay wax ka aasaastay NATO, dagaal kasta oo Mareykan qaado ciidamada Denmark waa la socdeen, Ciraaq illaa Afqanistaan, oo Denmark waxaaba Afqanistaan ugu dhintay in ka badan 40 askari. Intaas kaliya ma aha ee saldhiga basaaska ee laga dhegaysto taleefoonada madaxda Yurub wuxuu ku yaal Denmark (halkan ka akhri: https://www.reuters.com/…/us-security-agency-spied…/). Kaba sii daran e Greenland waxa uu Mareykanku ku leeyahay saldhigga ciidamada cirka ee Thule Air Base, oo macnaheedu yahay awalba asagaa meesha ka talinayey.

Haddaba maxay kasbatay Denmark in saas loogu xaakoodo? Jawaabtu waa waxba oo awal baysan ka warhayn in la haysto oo hadday ku baraarugtay in gumeytuhu uusan saaxiib lahayn oo qof kastaa yahay cadowgiisa, kaliya goorma!

Aan dib u jaleecno hadalkii Henry Kissinger, Wasiir hore oo arrimaha dibadda Mareykanka (1973-1977) oo ka digaya dhibaha waaweyn ee ka dhalan kara markii dawladi saaxiib dhow la noqoto Ameerika ayaa isaga oo taas ka digaya yiri, “Waa khatar cadiim ah in aad cadow ku noqoto Mareykanka, laakiin in aad noqoto saaxiib dhow oo Ameerika baaba ka sii daran oo taasi dhimashay qarka kuu saari kartaa (It may be dangerous to be America’s enemy, but to be America’s friend is fatal).”

Qorshihii Mareykanka ee Ukraine ee fashilmay waxa uu Mareykanka tusay in Yurub aysan waxba ugu harin, sidaas darteed waxaa biloowday waa cusub oo quwadaha waaweyn uu mid walbaa meel xariiqin marsanayo, Denmark xariiqintaa ku dhacday, kuwo kale oo moogna dhawaan bay ka dul yeeraysaa.

Maanta Greenland waxaa ka degay wafti culus oo ay hoggaaminayso marwada Madaxweyne Kuxigeenka ayna weheliyaan Mike Waltz, Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka.

Ku baraarug waayaha cusub iyo waxa soo fooleh oo Daljir isha ku hay.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com