DFS oo maaamul gobaleedyada u qaybisay qalabka loogu baaro Cudurka COVID-19

DFS oo maaamul gobaleedyada u qaybisay qalabka loogu baaro Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Jimce ah bilaawday qeybinta qalab caafimaad oo loogu talo galay ka diyaar garowga cudurka Corona (COVID-19).

Qalabkana ayaa waxaa lagu wareejiyey Maanta xubno ka socdey Punland iyo Soomalind, waxaana qorshaysan in loo sii dhiibo qoondadooda Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabeelle.

War kasoo baxey Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in deeqdaan Qalabka ah Maamul goboleedyada looga baahan yahay inay ugu Shaqeeyaan sida loogu talo galay.

Qalabkaan loogu talo galay ka diyaar garowga cudurka Corona (COVID-19) waxaa Soomaaliya uga deeqay Maalqabeen u dhashay dalka Shiinaha madaxna ka ah Hay’adda Alibaba Foundations,iyada oo loo soo marsiiyey Dowladda Itoobiya.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com