DFS oo shaacisay in ay Karantiishay Afar qof ka yimid dalalka uu sameeyay Cudurka Coronovirus.

DFS oo shaacisay in ay Karantiishay Afar qof  ka yimid dalalka uu sameeyay Cudurka Coronovirus.

Wasiirka Caafimaadka dowladda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay karantiishay Afar ruux oo ka yimid dalalka uu sameeyay Cudurka Coronovirus.

Mid ka mid ah dadkaasi ayaa ka yimid dalka Shiinaha, 10-kii Bishaan halka Saddexda kalena ay dalka soo gaareen Maanta sidda ay shaacisay Wasiirka.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in lagu haayo hadda meel gaar ah oo lagu tala galay, islamarkaana ay caafimaad qabaan ayna fulinayaan Awaamiirta Caalamiga ah ee Coronovirus ah.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday in Caabuqa Corona uu yahay musiibo caalami ah.

WHO ayaa in muddo ah isha ku heysay dhaq-dhaqaaqa cudurkan.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa shalay ku dhawaaqay in uu hadda jiro in kabadan 118,000 kiis oo COVID-19, cudurka uu sababay fayrasku, 114 dal oo adduunka ah.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com