DFS oo shaacisay maanta xiliga lagu dhawaaqayo guddiga doorashooyinka

DFS oo shaacisay maanta xiliga lagu dhawaaqayo guddiga doorashooyinka

Dowladda Soomaaliya ayaa markale ka hadashay in weli Maamul goboleedyada qaar soo gudbin Xubnaha ku matalaya Guddiyada Heer dowlad Goboleed ee doorashada iyo khilaafaadka.

Horay waxaa u jiray qaar kamid ah Maamul goboleedyada oo gudbiyay Xubnihii ku matli lahaa Guddiyada Heer dowlad Goboleed ee doorashada iyo khilaafaadka,basle ay jiraan Maamul goboleedyo aan soo dhameystirn.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan ayaa sheegay in heshiiskii doorashada ee la gaaray uu qorshuhu ahaa in 10-ka Bisha Octoober Guddiyada la dhameystiro, hayeeshee cilad farsamo & dhisida xukuumadda Cusub ay dib u dhaceen.

Waxaa uu sheegay in Dowladda dhankeeda ay diyaar ka yihiin Xubnaha Guddiyada ,basle ay jiraan maamul goboleedyo aan soo dhameystirin, hayeeshee Bisha November ooh al Maalin ay ka harsan tahay la guda geli doono dhameystirka Guddiyada doorashada.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com