(Dhagayso) Caawa iyo Daljir Isniin 11 – April – 2016 Wariye Maxamed Cabdullaahi Cali (Kooshin) Studio Daljir Garowe

Garowe, Isniin, 11 – April – 2016 – Barnaamijka caawa iyo daljir oo caawa idinkaga imaanaya Daljir xarunteeda Garowe waxaa barnaamijka idinla socodsocodsiinaya wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin, qodobada aad barnaamijka ku maqli doontaan waxaa ka mid ah:

Madaxweynaha DF Xassan Shiikh oo maartay si rasmi ah u furay kalfadhiga 8 aad ee baarlamaanka
 
Inta la hubo 5 qof ayaa geeryootay, 7-kalena way ku dhaawac-meen kaddib gaari lagu soo rakibay waxyaabaha qarxa oo lala eegtay maqaaxi ku taala degmada Xamar Wayne.
 
Dhagar-qabe Xasan Xanafi Xaaji oo Dil Toogasho ah Lagu Fuliyey maantay Muqdisho
 
Dadka iskubaya oo kusoo badanaya deegaannada Puntland iyo Diinta Islaamka oo ammuurtaasi ku tilmaamtay khatar aad u wayn.
 
Qaar ka mid ah waxgaradka gobollada SSC oo nasiib-darro wayn ku tilmaamay hadalkii kasoo yeeray Cali Khaliif Galayr, taageerayna hishiiskii Garowe
 
Munaasabad ay xilka kula kala-wareegayaan Agaasimayaal Guud oo maantay ka dhacday magaalada Garowe. I Iyo Qodobo kale.
 
Hoos ka dhagayso Barnaamijkii oo Dhammaystiran
 
 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com