Garowe, 26, January, 2016 – Ex-xildhibaan Siciid Diiriye oo horay uga tirsanaa Baarlamaanka Puntland, kana mid ah ganacsatada Soomaaaliyeed ayaa hambalyo u diray dhinacyada ka horyimid rabitaanka Madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud. Sidaasina waxaa uu ku sheegay waraysi uu siiyay Radio Daljir.
Siciid Diiriye wuxuu sheegay in Madaxwaynaha Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud oo Dastuurkii dalka jabiyay, dhaqan iyo caadana ay u noqotay inuu sida uu rabo ka yeelo sharciga dalka, waxaana uu mudane Siciid tusaale usoo qaatay dhismahii maamulka Galmudug, iyo qaban-qaabada xilligaan loogu jiro in la dhiso Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.
“Hambalyo ayaan u dirayaa Madaxwaynaha Puntland iyo shacab badan oo Soomaaliyeed oo ka horyimid rabitaankii Madaxwayne Xassan Shiikh oo ahayd wax aanan Dastuurka waafaqsanayn” Sidaasi waxaa yiri mudane Siciid Diiriye
Diiwaanka Wararka,
Radio Daljir
COMMENTS