Khamiis, Luuliyo 16, 2015 (Daljir) —Ra\’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali ayaa kula kulmay magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland, saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntiland oo muddo bilooyin ah gadood uga maqnaa magaaladaas.
Sharma’arke ayaa sheegay inay dadaal xooggan ugu jiraan sidii maamulka iyo saraakiisha ciidamada gadooday la isku fahamsiin lahaa, iyadoo ciidamadan ay horay u sheegeen inay kasoo horjeedaan dhibaatooyin ay ku hayso Puntland.
Jen. Muxyadiin Axmed Muuse oo ahaa Sarkaalkii Hoggaaminaya Cciidamadan oo shalay kusoo laabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay inay ku yimaadeen codsiyo uga yimid Isimada iyo Waxgaradka Puntland iyo sidoo kale RW Somalia iyo Hoggaamiyaha Jubba Sheekh Axmed Madoobe oo ku sugan Puntland.
Dhagayso
COMMENTS