Maalin ka hor Wasarada Arimaha dibada Soomaliya waxaa ka soo baxay war saxaafadeed u muuqday mid lagu taageeray dowladda sacuudiga oo uu khilaaf xoogan uu soo kala dhexgalay dowladda Canada .
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay isagoo arimahaasi kahadlaya in xukuumaddu aysan sigaar ah u taageerin Sacuudiga laakin mowqifkoodu uu yahay in xal la ay gaaraan labada dal .
Hadaba Mala oran karaa dowladda Soomaaliya waxa ay faraha lagashay Arimaha labada dowladood ee Sacuudiga iyo Canada ?
Maxauu noqon karay mowqifka xukuumada ee arintan kaga aadanaa ?
Waa mowduucii maanta looga hadlay Barnaamijka Muuqaalka Bushada ee kabaxa subaxkasta radio Daljir.
Halakan ka dhagayso.
COMMENTS