(Dhagayso) Nabadoon Yaasiin: Daljir waa qareenka Bulshada, waana nasiib-darro in la xiro

Gaalkacyo, June, 27, 2016 – Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo ka mdi ah waxgaradka Puntland aadka looga yaqaan oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa sheegay Radio Daljir ay ahayd dhagihii iyo indhihii shacabka, ayna u qareemi jirtay dadka dhibanayaasha ah, xarigeedana aanan loo marin wado shaci ah.

“Haddaan nahay waxgaradka reer Puntland aad baan uga xunnahay xariga maalintii 5aad Radio Daljir ay hawada uga maqan-tahay, qalabka idaacaddu magalin wax dambi ah, haddii ay dowladdu ay wax ka tabanayso qof ama shaqsi waxaan kutalinayaa in ay adeegsato garsoorka iyo sharciga oo laga dheereeda tillaabo kasta oo sharciga ka hor imaanasya” Sidaasi waxaa yiri Nabadoon Yaasiin Cabdisamad

Nabadoonku waxaa uu dowladda ugu baaqay in dag dag loo fasaxo Radio Daljir.

Hoos ka dhagayso waraysigii Nabadoon Yaasiin Cabdisamad oo u waramay Wariye Jamaal Faarax Aadan

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com