Garowe, 18 – April – 2016 – W/hore hore ee wasaaradda deegaanka Puntland Burhaan Cilmi Filig oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa nasiib-darro wayn ku tilmaamay in issiimada Puntland ay ku guul-darraysteen in ay baarlamaanka DF u xulaan xubno matali kara beelaha Puntland.
Siyaasi Burhaan ayaa walaac ka muujiyay in beelahii horay u qaybsaday 12-ka xubnood ee beesha Majeerteen ay xilligaana damacsanyihiin in ay qaataan xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka dowladda federaalak Soomaaliya, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in loo baahanyahay wadatashi in ay xubnaha ka yeesheen beelaha majeerteen ee Puntland.
“Abaarta dhibta, roob la’aanta Puntland ka jirta waxay cuskantahay waa cadaalad-darrada ka jirta Puntland dhexdeeda, wax laga fakari karo ma’ahan in beelihii horay u qaatan 12-kii xubnood ee aqalka hoose ay haddana rabaan in ay qaataan qaar ka mid ah amase dhammaanba xubnaha Aqalka sare,” Sidaasi waxaa yiri SIyaasi Burhaan Cilmi Filig.
Waxaa khadka taleefanka ku waraystaye wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin
Diiwaanka Wararka.
Radio Daljir
COMMENTS