(Dhagayso) War Dag Dag ah Shirkii Wadatashiga oo caawa fashil kusoo dhammaaday

Muqdisho, Janu, 2015 – Waxaa caawa fashil kusoo dhammaaday shirkii galabtay ka furmay Muqdisho, waxaana arrintaasi Radio Daljir caawa uga waramay wasiirka deegaanka Puntland Dr Cali Cabdi Warsame.

Wasiir Cali wuxuu sabab uga dhigay fashilka shirka Madaxwayne Xassan Shiikh oo madasha keenay in la isla qaato nidaamka 4.5, wuxuuna hadalkiisa raacsaday in dawladaha Puntland iyo Jubbaland ay arrintaasi ka biyo diideen. 

Dr Warsame wuxaa kale oo uu sabab uga dhigay fashilka shirka iyadoo aysan madaxda DF isku aragti ka ahayn qorshaha 2016, wuxuna caddeeyay in soojeedinta Madaxawaynaha Soomaaliya Xassan Shiikh uu toos uga horyimid Guddoomiye kuxiggeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cawad.

Hoos ka dhagayso waraysi uu caawa la yeeshay wariye Maxamed Cali Kooshin

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com