(Dhagayso) Wasaaradda maaliyada Puntland oo baarlamaanka Punltnad maantay horgaysay miisaaniyada 2013-ka.

Garowe, Dec, 22, 2012 ? Wasaaradda maaliyada Puntland ayaa maantay baarlamaanka Puntland waxay horgaysay miisaaniyada sanadka 2013, iyadoo xarunta golaha shacabka baarlamaanku su?aalo ay maantay ku waydiiyeen wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali Shire.

Wasiirka wasaaradda maaliyada Puntland Faarax Cali Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in miisaaniyada 2013-ka ay tiro ahaan gaarayso 96 Bilyan oo shilin Soomaali ah.

Miisaanada 2013-ka ee golaha baarlamaanka maantay la horgeeyay ayaa noqonaysa miisaaniyadii 15-naad tan iyo markii la unkay maamulka Puntland, waxaana goluhu uu fadhigaan oo ah kii 29-aad maal-maha soo socda ku falanqayn-doonaa ansixinta miisaaniyada 2013-ka.

Maxamed C/llaahi Cali ?Kooshin?

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com