Axad, May 24, 2015 (Daljir) — Agaasimaha Radio Daljir Garowe Cabdiraxmaan Xuseen Xasan Gaardi iyo wariye Jamaal Faarax Aadan oo Daljir ka tirsan ayaa maanta dib u helay xorriyadoodii, ka dib markii ciidanka ammaanka Gobalka Nugaal ay maalinkii shalay ku xireen saldhig ku yaala galbeedka magalada Garowe.
Cabdiraxmaan Gaardi ayaa sheegay inaysan ilaa iyo hadda garan karin sababta loo xiray iyo sababta loosoo daayay, waxayna dalbadeeen in loo cadeeyo asbaabta loo xiray.
Dhagayso
COMMENTS