(DHAGEYSO) Shir looga hadlayo Arrimaha Booliska Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay


Shir looga hadlayo qaab dhismeedka Booliska Soomaaliyeed iyo qaabka ay u shaqeynayaan Booliska heer qaran iyo heer Gobol ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Ka qeybagalayaasha shirka ayaa si aad ah uga dooday  kor u qaadidda wada shaqeynta u dhexeysa ciidanka Booliska Federaalka iyo kuwa Maamul goboleedyada loo dhiso awoodda Booliska.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay shirkan ay ka filayaan inay kasoo baxaan arrimo waxgal u ah tayeynta Booliska Soomaaliyeed. Heer Federaal iyo mid dowlad goboleed intuba.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com