Dhalinyarada Muqdisho oo ka dibad baxay dil loo gaystay wiil dhalinyaro ah (dhegayso)

Dhalinyarada Muqdisho oo ka dibad baxay dil loo gaystay wiil dhalinyaro ah (dhegayso)

Dhalinyaro ka caraysan dilalkii dhowaan kadhacay Muqdisho ayaa maanta isugu soo baxay qaybo badan oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Ammaanka dibadbaxayaasha ayaa waxaa sugayay ciidamo katirsan booliska, iyadoona dhalinyarada dibadbaxa dhigay ay si’aad ah isu waydiinayeen maxaa loo dilayaa dhalinyarada bajaajlayda, ganacsatada, iyo kuwa bulshada u shaqeeya, iyagoona ku dhawaaqaya inay doonayaan cadaalad.

Qaar ka mid banaanbaxayasha oo goobta ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad uga xun yihiin dilkii loo geystay Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa Nin dhalinyaro ah,isla markaana ahaa qofkii ugu horreeyey ee adeegga dhaqidda qallalan ee dharka ee af ingiriiska lagu yiraahdo dry cleaning ka hirgaliyay magalaada Muqdisho, taasi oo dhalinyaro badan ay shaqo ka heleen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com