Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xoriyadoodii u celisay 11 maxbuus oo ku eedaysanaa in ay katirsanaayeen Ururka Alshabab ka dib muddo sadex bilood ah oo ay ku xirnayeen Saldhiga bartamaha ee magaalada Boosaaso.
Siidaynta maxabiisata ku eedaysnaa in ay ka tirsanaayeen Ururka Alshabab ayaa timid kadib markii ay Haya’daha dambi baarista Ciidmada Booliska Puntland ay ku wayeen ragan dambigii lagu soo oogay.
Hadaba Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee dowlada Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xoriyadda raggan waxaana intaasi kadib dareenkooda ka hadlay dhalinyaradii ku eedaysnaa kiiskan oo ahaa in ay ka tirsanaayeen Ururka Al-shabaab.
Hoos kadhagayso guddoomiyaha maxkamadda
COMMENTS
Tani waxay muujinasaa inay waaxdii cadaaladu ay awood yeesheen