Dhambaalka Madaxweynaha ee Maalinta Shaqaalaha Adduunka 1-da May

Dhambaalka Madaxweynaha ee Maalinta Shaqaalaha Adduunka 1-da May

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhambaal ku saabsan hambalyada Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka 1-da May u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyaga iyo qoysaskooda.

Halkan hoose ka akhriso dhambaalka Madaxweynaha ee Hambalyada 1-da May:-

Maanta oo ah 1-da May, munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka, waxaan hambalyo qiimo badan u dirayaa dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyaga iyo qoysaskooda.

Shaqaalaha Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinaynaa maskax iyo muruqa ay geliyeen dib u dhiska iyo horumarinta dalkeenna. Waxaan xasuusannahay dadaalladii wax ku oolka ahaa iyo doorkii taariikhiga ahaa ee shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku leeyihiin sooyaalka dalkeenna, iyaga oo saldhig u ahaa halgankii xurnimo doonka iyo aasaaskii qarannimadeenna.

Waxay maanta oo kale mudnaayeen u qabasho dabaaldegyo, kulamo lagu sharfayo iyo guddoonsiin abaalmarino. Hase yeeshee, saamaynta uu keenay caabuqa COVID-19 darteed suurtogal inooma ahan arrimahaasi.

Dalkeenna maanta waxaa uu la tacaalayaa halis caafimaad oo uu sababay cudurka COVID-19, kaasoo dunida oo idil ku yeeshay saamayn xoog leh oo dhinacyada caafimaadka, dhaqaalaha, bulshada iyo weliba suuqyada shaqooyinka. Waxaa intaas inoo dheer masiibooyin dabiici ah oo ku dhuftay qaybo ka mid ah dalkeenna, iyo argagixiso ummadda dhibaatadeeda guul u arka. Dhammaan caqabadahan waxa ay inagu waajibinayaan in aan laba laabno dadaalkeenna iyo waxqabadkeenna, innaga oo mideynayna muruqeenna iyo maankeenna, si aan u xaqiijinno hiigsigeenna ku aaddan dal horumarsan oo barwaaqo ah.

Inkasta oo shaqaalaha Soomaaliyeed ay ku shaqeeyeen duruufo adag, haddana waxa ay muujiyeen hawlkarnimo iyo dhabar adayg, iyaga oo ka gudbay caqabado badan, isla markaana xaqiijiyay rajada iyo yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dib u soo nooleynta Qarankeenna.

Dawladdu waxa ay xoogga saartay Ilaalinta xuquuqda iyo sharafta shaqaalaha Soomaaliyeed, kuwa dawladda u shaqeeya iyo kuwa aan dawladda u shaqaynba, waxaana aan mudnaanta siinay kor u qaadidda fursadaha shaqo ee dhallinyarada.

Waxaan xaqiijinay inaan shaqaalaha dawladda xuquuqdooda mushahar siino, taas oo aan uga golleenahay yareynta shaqo la’aanta ka jirtay dalkeenna, waana ku dadaalaynaa sidii guri kasta oo Soomaaliyeed u heli lahaa dhaqaale uu ku maareeyo noloshiisa.

Si loo xoojiyo xuquuqda iyo waxqabadka shaqaalaha, waxaan dardar gelinaynaa dadaalladeenna ku aaddan xoojinta Iskaashatooyinka dalka, ururrada shaqaalaha iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Waxaan munaasabaddan uga faa’iidaysanayaa inaan halkaan baaq uga diro loo-shaqeeyeyaasha, ha ahaadaan dawlad, ganacsato, iyo hay’ado kaleba, in la ilaaliyo xuquuqda shaqaalaha waqtigan adag ee cudurka COVID-19 saameeyay noloshooda oo idil. Ha la isku naxariisto si EEBBE noogu naxariisto.

Waxaan Alle naxariistiisa Jannatul Fardows u weydiinayaa waalidiinta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku naf waayey iyaga oo maskaxdooda iyo muruqooda ugu adeegaya dalkooda.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com