Madaxweyanaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo oo safaro shaqo ugu maqnaa dalka debediisa ayaa maanta 20 December 2016 dalka dib ugu soo laabtay kana soo degey Caasimada Dawladda Puntland ee Garoowe.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxaa garoonka Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan Goloyaasha Dawlada Puntland, Saraakiisha Ciidamada Puntland, masuuliyiin kamida Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo shacab weyne aad u tiro badan.
Madaxweynaha Puntland oo shir jaraa’id qabtay kadib soo dhoweyntiisa ayaa waxa uu kahadlay arrimo badan oo quseeya xaaladda Soomaaliya, doorashada socota, abaaraha Puntland iyo dagaalka Daacish.
COMMENTS