(July 3 2016)-Gobolka Sanaag ayaa kaalinta koowaad ka galay ilaalinta deeganka iyo la dagaalanka jarista dhirta qoyan ee Puntland , kadib markii wasaaradda deegaanka Puntland ay ugu aqoonsatay shir ka dhacay magalad Garoowe oo lagu qiimaynayay ilaalinta deegaanka ee gobolada Puntland.
Dhirta qoyan ayaa wax tar u leh xoolaha la dhaqdo , dadka iyo dhulka oo uu soo jiido roobka , sidoo kalena dadku ay ka helaan ogsijiin,
Hadaba gudoomiyaha guddiga ilaalinta deegaanka ee gobolka Sanaag Nabadoon Cabdiqani Maxamuud Faarax ayaa ka warmay sida gobolka uu ugu guulaystay abaalmarintan iyo sida ay ugu suurto gashay Maxamuud Cabdi Ibraahim , ayuuna u waramay.
COMMENTS