Muqdisho, Aug 30 2016-Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA,waxaana xalay lagu soo bandhigay mid ka mid ah xarumaha Hay’adaha amaanka Dowladda.
Ninkaani kasoo goostay ururka Alshabaab oo dowladda Soomaaliya ay kusoo bandhigtay Muqdisho ayaa waxaa lagu magacaabaa Ibraahim Aadan Ibraahim {Ibraahinm Nadaara}.
Sarkaalkan ayaa Shabaab ugu qaabilsanaa Madaxa Xafiiska Waxbarashada Gobolada Baay iyo Bakool, waxaana uu sheegay in uu Maktabado dhowr ah oo Shabaab ay leeyihiin uu ka soo shaqeeyay.
COMMENTS