(July 14 2016)-Ergooyin gaaraya 104 madax dhaqameed oo ku hawlanaa heshiisiinta beelo colaadi ku dhexmartay Koonfurta gobolka Sool ayaa sheegay inay ku guulaysteen soo afjaridda wejiga hore ee colaaddaasi.
Garaad Saleebaan Buraale Aadan oo kamid ah ergooyinka dhex-dhexaadinta wada ayaa Radio Daljir u sheegay in odayaasha labada beelood ku heshiiyeen nabad buuuxda ciidamadiina la kala qaaday isagoo intaa ku daray in ka xisaabtanka wixii ku kala maqan naf iyo maalba ay wejiga labaad kusoo gaba gabayn doonaan.
Wariye Khadar Cawl ayaa waraystay
COMMENTS