DHEGEYSO-Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo kahadlay cabashada gaadiidleyda.

Muqdisho, Dec 01 2016–Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim Fargeeti ayaa sheegay ineysan jirin cid ay wasaaradda Maaliyada u idmatay iney Caymis ka qaadaan shacabka,wuxuuna meesha ka saaray inuu jiro sharci u fasaxaya shirkadaha gaarka loo leeyahay iney Camis ka qaadaan shacabka Soomaaliyeed.

Maxamed Aadan Ibraahim Fargaaeti ayaa ku booriyey Shirkadaha dalka ka hawlgala iney dantooda gaarka ah ka hor mariyaan danaha shacabka Soomaaliyeed,Shirkada Takaaful oo lacago Caymis ah kusoo rogtay Gaadiidleyda Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay Bannaanbax iyo shaqo joojin sababtay in Maamulka Gobolka Banaadir uu gabi ahaanba joojiyo hawlihii ay waday Shirkada Takaaful.

Halkaan ayaa kusoo beegmaya kadib markii maalin kahor magaalada Muqdisho ay kadheceen banaanbaxyo gaadiidleydu ku diidan yihiin lacago ay sheegeen in ay ka qaadayaan shirkado ay dowladdu igmatay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com