Dhegeyso:Fadhigii Barlamaanka Puntland oo maanta dib u furmay

Arbaco, Luuliyo 22, 2015 (Daljir) —Kalfadhiga 35-aad ee golaha wakiilada Puntland ayaa maanta dib u furay kadib dib u dhac ku yimid maalinbimadi shalay oo qorshuhu ahaa inu furmo.
 
Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xassan Shire ayaa maanta dib u furay fadhiga Baarlamaanka waxaana uu tilmaamay gudoomiyuhu in shalay fadhigu u baaqday xildhibaanada oo soo wada xaadiri waayey.
 
Dhinaca kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in kalfadhiga goluhu gaba-gabo yahay islamakana ay harsan yihiin qodobo mihiim ah oo kala ah, xisaab xirka, meel-marinta Wasiirradda cusub, dib u eegista Dasuurta Puntland, meel-marinta heshiisyada Xukuumaddu gashay iyo ansixinta xeerarka Xukuumadda.
 
Gudoomiyaha ayaa sheegay in Ajandaha golaha ee labada maal-mood ee soo socda uu yahay ansixinta Wasiirradda cusub ee dhowaan kusoo biiray Xukuumadda Madaxwaeyne Gaas iyo xisaab xirka sanadka.
 
Dhegeyso codka Gudoomiyaha Barlamaanka.
Audio Player
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com