Waddo laami ah oo dhismeheedu uu dhanyahay 1.KM iyo 400 Metir ayaa ka socota degmada Jariiban ee gobolka Mudug, taasoo lagu maalgalinayo Mashruuca Hormarinta Degmooyinka Puntland ee GPLG.
Shirkadda Kebarko oo dhismaha laamigan gacanta ku haysa ayaa sheegtay muddo dhowr beri gudahood in ay kusoo Afjaridoonaan dhismaha wadadan, waxaana sidoo kale shirkadu ay si bilaash ah ugu dartay shaqadii ay ka waday degmada Jariiban waddo Carakaabo ah 220 Metir ah.
Faysal Xassan Yacquub (Faysal Babaraqiis) oo kamid ah owlwadeenada shirkada ayaa wuxa uu sheegay in uu gabo gabo ku dhawyahay Mashruuca GPLGga ee lagu hormarinayo degmada Jariiban.
Radio Daljir oo u kuur gashay shaqadan ka socota waddadan ayaa waxa uu idila wadaagayaa sawiradan hoose.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.
COMMENTS