Dhoobo Daareed:“Xaaraan ayay ahayd xilka qaadistayda“

Dhoobo  Daareed:“Xaaraan ayay ahayd xilka qaadistayda“

Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa sheegay in aysan “sharci ahayn” codkii maanta Baarlamanka ee xilka looga xayuubiyay.

“Waxaanu leenahay nidhaam iyo hannaan; waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo”, ayuu yiri Dhoobo.

Xildhibanaada Barlamaanka Puntland ayaa saaka u codeeyay “xilka ka qaadista” Guddoomiyaha Barlamaanka, Cabdixakiin Maxamed Axmed, waxaana xil ka qaadistiisa u codeesay 49 mudane, halka 4 xildhibaanna ay ka aamustay.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntalnd Abuukaate Cabdicasiis ayaa kudhawaaqay in sidaas xilka looga qaaday gudoomiyihii Baarlamanka Puntland oo aanan ka soo qeybgalin kulankaas xilka looga “xayuubiyay”.

Soo jeedinta xil ka qaadista oo “xalay la gudbiyay” waxaa ku saxiixnaa 44 xildhibaan, sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Puntland.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ayaa sheegay in guddoomiyaha lagu soo eedeeyay dhowr qodob, kuna tuntay qoddob ka mid ah dastuurka Puntland.

Arrimaha ay soo qaateen waxaa ka mid ah sida ay sheegeen in uu yiri guddoomiyaha in “Puntland ay dhisteen oo ay qabsadeen saddex qabiil, arrintaas oo ay shegeen in ay meel ka dhac ku tahay sharciga Puntland”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com