Dib u dhac markale ku yimid ku dhawaaqista liiska Xildhibaanada Galmudug (Akhriso)

Dib u dhac  markale ku yimid ku dhawaaqista liiska Xildhibaanada Galmudug  (Akhriso)

Waxaa markale dib u dhac uu ku yimid ku dhawaaqista liiska Xildhibaanada Maamulka Galmudug .

Guddiga Farsamada ee Maamulka Galmudug ayaa waxay bishii December ay soo saareen jadwal cusub oo doorasho, ka dib markii uu guuldareystay jadwalkii hore ee ay soo saareen bishii November.

Sida ku cad jadwalkii ugu dambeeyay ee doorashada ayaa ahaa in soo xulista Xildhibaanada la soo geba-gabeeyo 30-kii December. 4-ta January in la doorto Guddoonka Baarlamaanka, doorashada Madaxtooyadana ay qabsoomto 9-ka January, waxaana muuqata in wali aan  la soo afjarin khilaafka ka taagan soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka .

 

Dowladda Federaalka ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuuleysa, sidii ay xubno badan oo siyaasadeeda taageersan ugu yeelan laheyd Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xasan Cali Khayre oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa ka wada kulamo uu xal ugu raadinayo khilaafkan jira.

Doorashadan lagu wado inay ka qabsoomto Magaalada Dhuusamareeb ayaa ka adkaan doonto kuwii lagu soo dhisay maamuladii soo maray Galmudug.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com