DIB-U-HABEYNTII AL-GOOLAANI: Argagixiso illaa Madaxweyne Suuriya

DIB-U-HABEYNTII AL-GOOLAANI: Argagixiso illaa Madaxweyne Suuriya

DIB-U-HABEYNTII AXMED AL-SHAARICA AL-GOOLAANI: Argagixiso illaa Madaxweyne Suuriya

Sidee madaxii hore ee argagixisada Daacish ee Suuriya ku noqday Madaxweynaha maanta ee Suuriya? Waa su’aal aysan badi isweydiin taageerayaasha al-Goolaani oo badidoodu ay ku yartahay fahamka nidaamka sirdoonka Talabiib iyo kan Mareykanka (sii akhri ama hoos ka dhegayso).

Talabiib iyo Washington kaliya ma aha ee al-Golani waxaa watay Turkiga iyo dhammaan waddamada khaliijka ee Imaaraadka, Qadar iyo Sucuudiga. Mana aha sir iyo sirdoonka dhammaan dalalkaas ay hoostagaan kuwa Washington iyo Talabiib. Saas oo ay tahay, Soomaaliya oo lala rabo qorshe lamid ah kan Suuriya, shacabka Soomaaliyeed way ku yartahay fahamka waxa ka dhacay Suuriya, oo waxayba kaga dhagantahay “al-Golani waa Sunni, waana Muslim,” oo marnaba ismaba weydiiyaan su’aasha ah “oo dalalka Sunniyiinta ee Turkida, Qadar, Sucuudiga, Imaaraadka, Urdun, Marooko, Masar iyo Baxarayn soo dhammaantood ma aha kuwo hoostaga sirdoonka Washinton iyo Talabiib?” Isma weydiiyaan, “Sunniyiintu soo ma wada aha kuwa daawanaya waxa maanta ka socda Qasa?” Intaas kaliya ma aha e, xataa isma weydiiyaan dalalka riixaya heshiiska Israa’iil ee Abraham Accord soo dhammaantood ma wada aha sunni. Miyuu se maanta jiraa hal dal oo sunni ah oo aan hoostagin sirdoonka Talabiib?

Haddaba annaga oo aan meel kale aadin aan maanta idin la qaybsano khudbad uu asbuucii hore jeediyey Robert Ford, Safiirkii hore ee Mareykanka u fadhiyey dalka Suuriya sannadkii 2011 illaa 2014. Ogow waa safiirkii meelmariyey hawgalka ‘Operation Timber Sycamore” ee Mareykanku dhammaan argagixisadii Bariga Dhexe u soo jiheeyey Suuriya, madaxna uga dhigay al-Golani.

Waa kan Danjire Ford oo sharraxaya qofka uu yahay al-Golani. Annaga oo soo koobayna wuxuu yiri, ninka aad u jeedaan waa madaxii argagixisada Ciraaq, kahor intii uusan Suuriya imaan. Sannadkii 2023 waxaa ila soo xiriiray hay’ad Ingiriis ah oo ku takhasustay xallinta khilaafaadka, waxayna iga codsadeen in ninkaas aad u jeeddaan aan dib-u-habeeyo, oo ka soo dhexsaaro nidaamka argagixisada, soona gasho siyaasadda.

Hadalkaas Danjiraha haddii aan yara saxno, Danjiruhu wuxuu illaaway in laga bilaabo sannadkii 2012 illaa iyo sannadkii 2014 uu Danjiruhu qayb ka ahaa Hawgalka Timber Sycamore ee al-Golani ka dhigay madaxa argagixisada Suuriya, kana soo wareejiyey Ciraaq.

Aan sii wadno hadalka Danjire Ford oo wuxuu inta kore ku sii daray annaga oo soo koobayna, aad baan uga welwelsanaa in ninkaas dib-u-habeyn lagu samayn karo, laakiin waa la kulmay, oo la fariistay, oo waxaan ku iri waligay isma dhihin waa ku soo ag fariisan doonaa. Waa ii jawaabay oo wuxuu yiri ‘amba sidoo kale.’ Wuxuu ii sheegay in uu hadda baranayo sida dadka loo xukumo oo uu ka gudbayo sida dadka loo laayo. Markaas waa bishii Maarso 2023.

Danjiraha oo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri, bishii hore ee Janaayo ee sannadkaan ayaan markale ugu tagay madaxtooyada Suuriya asaga oo hadda Madaxweyne ah. Waxaan ku iri, waligay isma oran halkaan baan kugu arkayaa. Inta qoslay buu ii jawaabay oo wuxuu yiri, Mudane Danjire, waxaan jeclahay in aad mar kasta kaa yaabiyo. Waa uu iga qosliyey, laakiin hore marnaba isma oran nimankaan argagixisadu waa kuwa dadka ka qoslin kara.”

Ha yaabin haddii timaada taas oo kale ku timaado Villa Somalia, haddaysan mar hore ku iman! Sawirka safiirkii hore ee Ingiriiska iyo Wasiir Mukhtaar Roobow asna maanka ku hay.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com