Magaalada Baydhabo waxaa maanta markale ka bilowday dibadbaxyo looga soo horjeedo xariga wadaadkii ka tirsanaan jiray kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab ee Mukhtaar Rooboow oo ay dowladda Xabsiga utaxaabtay
Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa xiray wadooyinka magaalada Baydhabo ,iyagoo ku gooyay dhagaxaan waa wayn .
Qaar kamid ah dadka dibad baxa dhigayay ayaa dhac iyo boob ugaysanayay goobaha ganacsiga ee magaalada .
Baydhabo ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay banaanbaxyo rabashada wata,waxaana lagu dilay banaanbaxda Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
COMMENTS