Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo wax ka duwan ku macneeyey safarkii Raysal Wasaare Xamse iyo ujeedadii la sii shaaciyey
Madaxweynaha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo Turkiga uga qaybgala madal shireed ayaa sheegay ujeeddo ka duwan arrinkii uu ku qotomay safarka RW Xamse Cabdi Barre oo ay horay u shaaciyeen xubno kaladuwan oo xukuumadda ah iyo xafiiskiisaba.
Safarkaasi Raysal Wasaaraha oo maanta yimid Laascaanood ayaa hore loogu macneeyey mid daaran danaha dadka iyo deegaanada maamulka SSC-Khaatumo, gaar ahaanna xoojinta midnimada, ka jawaabidda baahiyahooda maamul iyo bulsho, hormarinta, siyaasadda, iyo mustaqbalka maamulka, siiba marka ay joogto danaha xagga dawladda dhexe uga guntan.
Inkastoo arrimahaasi ay ahaayeen kuwii ugu mudnaa ee socdaalka RW Xamse Cabdi Barre iyo waftigiisa, haddana hadal uu jeediyey Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, kana jeediyey madashii shireed ee Turkiga ee magaalada Antalya, oo dalal badan oo adduunka ahna ay ka qaybgalayaan, waxaa uu ku macaneeyey safarka Raysal Wasaaraha mid lagu xallinayey khilaafkii dhexmaray bulshada Laascaaanood iyo Somaliland, laguna abuurayo jawi xasilloon oo suuragalin kara wadahadal, iyo siidaynta maxaabiista la kala haysto, taasoo macno ahaan muujinaysa fasir u dhigma in la heshiisiiyo Somaliland iyo shacabka ay xukunto.
Hadalka Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa durba abuuray afkaaro kaladuwan, lana kodlay diidmooyin iyo dhaliilo lagu muujinayo in uu dhabarjab ku yahay safarka Raysal Wasaaraha iyo danihii dad iyo deegaan ee nuxurkiisu ku qotomay.
Qaar ka mid ah isimada dhaqan ee SSC-Khaatumo ayaa durba ka falceliyey hadalka madaxweynaha, kuna macneeyey mid aan munaasib ahayn, una hiillinayn midnimada ummadda Soomaaliyeed.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka SSC-Lhaatumo iyo Raysal Wasaaraha iyo waftigiisa.
Diiwaanka Wararka | Warbaahinta Daljir
RELATED
Nimco kastaa nusqaanteeda leh. Madaxweynihii Qaranka oo xamili kari waayey soo dhoweyntii heer qaran ee loo sameeyey RW Xamse iyo xunihii xukuumadiisa ee maanta ka degey Laascaanood.
Fariinta ku dhex jirta hadalka madaxweynaha:
1- In shacabka SSC Khaatumo ay yihiin SomaliLand… pic.twitter.com/3WoxGUl5Su— Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale (@GaraadMukhtaar) April 12, 2025
COMMENTS