Waxaa soo badanaya dibloomaasiyiinta Soomaaliyeed ee dalalka shisheeye ee iibiya baasaboorada dibloomaasiga ayaga oo kaashanaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Dibloomaasiyiinta ayaa $25,000 ku iibiya baasaboorka dibloomaasiga oo wata dammaanad safarka. Hore waxaa ammuurahaas iyo musuqmaasuqa xargaha goostay ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda daaha ugu rogay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib (https://daljir.com/indirectly-denying-sale-of-diplomatic-passports-for-the-purpose-of-obtaining-u-s-visas-minister-fiqi-makes-a-scene-and-picks-a-fight-with-mp-abib/).
Dibloomaasigii ugu danbeeyey oo musuqa daabulka gacmaha kula jira, kana hawlgala Safaaradda Soomaaliyeed ee Sacuudi Carabiya ayaa lagu qabtay gegida diyaaradaha Dublin, Ireland, asaga oo ka soo kicitimay Abu Dhabi. Dibloomaasiga ayaa bilihii Siteenbar illaa Noofembar 2024 ay dawladda Ireland ku eedeysay in uu daabulay tiro haween Soomaaliyeed, dhammaantoodna ku soo daabulay Dublin.
Dibloomaasiga oo hadda ku xiran xabsiga Cloverhill ee Dublin ayaan Villa Somalia iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda midkoodna ka hadlin illaa iyo hadda.
Hore waxaa dalka Mexico saas oo kale loogu qabtay dibloomaasiyiin Soomaaliyeed iyo boqolaal dad ah oo ay daabulayeen oo dhammaantood wada wata baasaboorka dibloomaasiga iyo fiisaha Kuuba.
> Daljir Media
COMMENTS