“Diintii Islaamka waad tuurteen:” RW Itoobiya oo Amiirka Imaaraadka runta deeqsiiyey

“Diintii Islaamka waad tuurteen:” RW Itoobiya oo Amiirka Imaaraadka runta deeqsiiyey

RW Abiy Axmed oo u jawaabaya Amiirka Abu Dhabi: “Waa in aan degdeg afka Carabiga u barano, si aan faham fiican ugu yeelano diinta Islaamka, dabadeedna aan idinka dib idiin ku barno, oo diinta idin ku soo celino.”

***

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo hadda safar ku maraya dalka Mareykanka ayaa ka sheekeeyey kulankiisii Amiirka Abu Dhabi, Amiir Maxamed bin Sayed, kaas oo Amiirku soojeediyey in Imaaraadku ay Itoobiya u dhisi doonaan xarun lagu barto diinta Islaanka, laakiin uu RW Abiy Axmed ka biyodiidey, asaga oo yiri, “diintii Islaanka waad tuurteen” oo dadba diin Islaan maanta ma bari kartaan.

RW Abiy Axmed oo shacabkiisa isugu soo baxay soodhaweyntiisa uga sheekaynaya safarkiisii Imaaraadka iyo kulankiisii Hoggaamiyaha Imaaraadka Carabta, Maxamed bin Sayed, ayaa yiri, “Markii aan la kulmay Maxamed bin Sayed waxa uu i yiri wax badan baan idin ku caawin doonaa. Waxaana idin bari doonaa diinta Islaamka.”

RW Abiy Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri waxaan Amiirka Imaaraadka ugu jawaabay, “maba rabno in aan maanta idinka diin idin ka barano. Diintii Islaanka waad tuurteen. Laakiin waa in aan degdeg afka Carabiga u barano, si aan faham fiican ugu yeelano diinta Islaamka, dabadeedna aan idinka dib idiin ku barno, oo diinta idin ku soo celino.”

Intaas markii uu Abiy Axmed yiri baa waxaa isqabsaday sacab iyo mashxarad muujinaya sida loogu riyaaqay hadalka uu Amiirka deeqsiiyey.

Abiy oo hadalka sii wata, Amiirkiina ay jawaabtiisu fajiciso ku noqotay ayaa buu yiri ” waxa uu i weydiiyey sababta,” anna waxaan ugu jawaabay, “waa mar e Islaamnimo waa nabad, matalna kuma laha waxa maanta ka aloosan Bariga Dhexe, sida Yemen, Masar iyo Aljeeriya.”

RW Abiya ayaa markaas Amiirka hadalka si fiican u deeqsiiyey asaga oo yiri, “Islaanimadii ayadaa maanta is baabi’ineysa. Maanta waxaa diintii Islaanka idiin badalay wax aan diin Islaan u ekeyn oo aad idin kugu dhex faaftay. Waad iloowdeen nabad, waadna iloowdeen sida la isku cafiyo.”

Hoos ka dhegayso hadalka Abiy Axmed oo qoraal afka Ingiriiska ah hoos looga tarjumay.

Ethiopia PM To UAE Crown Prince: 'You've Lost Islam'

Ethiopia's Prime Minister Abiy Ahmed reportedly told Mohammed bin Zayed that the UAE was not fit to teach them Islam

Posted by Middle East Eye on Monday, July 30, 2018

 

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir SOOMAALIYA

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com