Dil ka dhacay Garowe

Dil ka dhacay Garowe

Allaha unaxariistee waxaa duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland lagu dilay Bootaan Maxamed Bootan oo katirsanaa ciidmada Badda Puntland ee PMPF

Dilka ayaa ka dhacay degaanka laanta Hawada oo dhanka Bari ka xiga Garoowe, waxaana dilkiisa ka dambeeyay askari ka tirsan Ciidanka Puntland.

Dilka ayaa yimid kadib markii uu muran dhex-maray marxuumka iyo ninka dilka gaystay oo markii dambe la qabtay, isaga oo isku dayay in uu baxsado.

Taliyaha Booliska Nugaal G/sare Maxamed Aaden Jaamac (Degelle) ayaa sheegay in laamaha amniga Gobolka ay gacanta kusoo dhigeen Ninkii hubeysnaa ee dilay Bootaan Maxamed isaga oo dhaawac ah, kadib howlgalo ay sameeyeen.

Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli Maalin ka hor Garoowe uu mid kamid ah ilaalada Madaxweynaha Puntland ku dileen Gabar lagu Magacaabi jiray Maryan Axmed Caato.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com