Waxaa lagu dilay magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika muwaadin Soomaaliyeed oo goob ganacsi ah ku lahaa magaaladaasi.
Dilka ayaa waxaa gaystay koox hubaysan, waxaana ay dhac u gaysteen goobtii ganacsiga ee weerarka ay ku qaadeen.
Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Hilaal Xirsi Jaamac.
Koonfur Afrika ayaa waxaan jirin wax garsoor ah iyo tilaabo dowladda ay u qaaddo si loo ciqaabo kooxaha boobka ku haya nafta iyo hantida ajaanibta ee badankooda Soomaalida ah ee lagu dilayo dalkaasi.
COMMENTS