Diyaarad nooca dagaalka ah oo ku soo dhacday dalka Yemen

Diyaarad nooca dagaalka ah oo ku soo dhacday dalka Yemen

Diyaarad nooca dagaalka ah oo uu leeyahay Sacuudiga ayaa ku soo dhacday gobolka lagu magacaabo Jawf ee Waqooyiga dalka Yemen sida laga soo xigtay wakaaladaha wararka Sacuudiga

Diyaaradda ayaa dhacday xili ay ku jirtay howl gal, isla markaana ay caawinaysay ciidanka Dowladda Yemen

Afhayeen u hadlay kooxda Xuutiyiinta oo lagu magacaabo Yahya Saria ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad dagaal oo uu leeyahay Sacuudiga, kadib markii ay la heleen gantaal.,

Sacuudiga ayaa duulaan xoogan ku qaaday Yemen sanadkii 2015, si uu u taageero Dowladda uu hogaamniyo Abd-Rabbu Mansour Hadi,

Dagaalada ka scoda Yemen waxa ku barakacay malaayiin qof, iyadoo dagaalada uu Yemen u horseeday macluul aad u daran.

Xasan Heykal, Daljir Boosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com