Diyaarad qaadaysa maxaabiis dagaal keenaysana kuwo kale oo ka degtey Garowe

Diyaarad qaadaysa maxaabiis dagaal keenaysana kuwo kale oo ka degtey Garowe

Garoowe: Diyaarad qaadaysa maxaabiis dagaal, Islamarkaana keeni doonta kuwo kale, ayaa goordhoweyd ka degtey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

Diyaaradan , ayaa qaaday 11 Maxbuus dagaal oo Ciidanka Puntland ku qabteen dagaaladii ka dhacay gobolka Sool 2023, halka ay diyaaradu keeni doonto maanta 15 maxbuus oo ciidanka Somaliland ku qabteen isla dagaalkaasi.

SSC-Khaatumo ayaa hore usii daysey 25 Maxbuus oo kamid ahaa boqolaal Maxbuus oo Somaliland looga qabtay dagaaladii kala duwanaa ee ka dhacay Sool.

Weli waxaaa Xabsiyadda SSC-Khaatumo kujira boqolaal maxbuus oo Somaliland ah.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com