Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya diyaarado dagaal inay saakay waaberigii duqayn ka gaysteen deegaano hoosyimaada magalaada Baladxaawo.
Sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-qaad, diayaaradaha ayaa duqeeyey tuulooyinka Qabar-sheeq iyo Bur-sagaar oo katirsan Baladxaawo, waxaana uu intaasi ku daray diyaaradaha oo laga leeyahay dalka Kenya inay beegsadeen xubno katirsan ururka Al-shabaab.
Waxaa uu sheegay sadex gaari in looga gubay duqaynta Al-shabaab, sidoo kalena ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac oo kadhashay balse gadaal ay ka sheegi doonaan inta ay la egtahay.
Degmada Beledxaawo ayaa shalay waxaa weerar ku qaaday ururka Al-shabaab oo beegsaday saldhigyo ciidmaada Jubalnd iyo militariga dowladda faderaalka ay ku leeyihiin.
COMMENTS