DIYAARADO KAALMEYNAYA CIIDANKA DIFAACA PUNTLAND OO 4 QOF OO RAYID AH KU DILAY 6 KALENA KU DHAAWACAY DUQEYN DEEGAANKA CEEL-ADAX

DIYAARADO KAALMEYNAYA CIIDANKA DIFAACA PUNTLAND OO 4 QOF OO RAYID AH KU DILAY 6 KALENA KU DHAAWACAY DUQEYN DEEGAANKA CEEL-ADAX

UNNAMED WARPLANES TARGETING ISIS IN PUNTLAND ACCIDENTALLY KILL 6 CIVILIANS AND WOUND 4 OTHERS ALL FROM THE SAME FAMILY

DIYAARADO KAALMEYNAYA CIIDANKA DIFAACA PUNTLAND OO 4 QOF OO RAYID AH KU DILAY 6 KALENA KU DHAAWACAY DUQEYN DEEGAANKA CEEL-ADAX

Idaacadda VOA oo waraysi la yeelatay Guddoomiyaha degmada Qandala Axmed Yuusuf Quurshe ayaa u sheegay in duqayn ka dhacday degmada Qandala deegaan hoosyimada oo lagu magcaabo Ceel-Adax ay si aan kutalagal ahayn ugu dhinteen 4 qof oo rayid ah, oo kala ah 3 dumar iyo Ilma yar. Waxaa dhaawac soo gaaray 6 kale. Dhammaan dadka dhintay, kuwa dhaawacmay, iyo kuwa badbaaday baa wada ah hal qoys oo ka badbaadeen 3 kaliya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in afarta maydka lagu aasi doono deegaanka Canjeel, halka dhaawaca loo qaadi doono degmada Ballidhidhin.

Guddoomiyuhu ma uu sheegin cidda duqeynta geysatay, in kasta oo ay jiraan warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka dawladda Imaaraadka Carabta (UAE) oo beegsanaya saldhigyada ISIS ee deegaanka Qandala.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com